WARARKA

Dunida maanta

Wararka: Soomaaliya ma u diyaarsan tahay inay la wareegto mas’uuliy…
Soomaaliya

Wararka: Soomaaliya ma u diyaarsan tahay inay la wareegto mas’uuliy…

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay inay awood u leedahay inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka haddii ciidanka Midowga Afrika ee AUSSOM ka baxaan Soomaaliya, iyadoo xustay in sannadihii u dambeeyay la sameeyay diyaargarow ballaaran oo arrintaasi la xiriira.

Wararka Soomaaliya

Agaasimaha Guud ee Xarunta TUBSAN, Cali Yaasiin Gurbe ayaa sheegay in Soomaaliya ay qaaday tallaabooyin kala duwan oo loogu diyaar-garoobayo xilliga ay ciidamada shisheeye ka wareejinayaan mas’uuliyadda amniga, gaar ahaan dhinacyada dhismaha hay’adaha amniga iyo tayeynta ciidamada Soomaaliyeed.

Gurbe ayaa tilmaamay in xaruntoodu sannadihii lasoo dhaafay ay qayb ka ahayd dadaallada lagu wajahayo waxa loogu yeero argagixisada, isagoo sheegay in howl-gallada iyo waayo-aragnimada la helay ay Soomaaliya ka caawiyeen inay yeelato awood ay si madax-bannaan ugu wajahdo caqabadaha amni ee dalka.

Waxa uu xusay in ciidamada iyo hay’adaha amniga Soomaaliya ay muddo dheer ku howlanaayeen la tacaalidda Al-Shabaab, taasina ay siisay khibrad dhinacyada qorsheynta iyo fulinta hawlgallada amni.

Faahfaahinta

Sidoo kale, Agaasimaha ayaa sheegay in dib-u-dhiska hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan kuwa amniga, uu qayb weyn ka yahay diyaar-garowga Soomaaliya ugu jirto inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka.

Gurbe ayaa intaas ku daray in Soomaaliya aysan ku tiirsanayn awooddeeda gudaha oo keliya, balse ay xiriir iyo iskaashi dhinaca amniga ah la leedahay dalal kala duwan oo saaxiib la ah, kuwaas oo uu sheegay inay kaalin ka qaadan karaan xoojinta amniga Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Agaasimaha ayaa meesha ka saaray walaac laga qabo in bixitaanka ciidamada AUSSOM uu Soomaaliya gelin karo xaalad amni oo halis ah, isagoo ku adkeystay in dowladda ay u diyaar-garowday mas’uuliyadda amniga, isla markaana ay haysato waayo-aragnimo iyo iskaashi caalami ah oo ku filan.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah
Colaadaha

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah

Dagaalkii 2023-kii ka bilowday, ciidamada Iiraal ayaa burburiyeen nidaamka waxbarashada Garoowe,…

ReliefWeb Updates•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy