WARARKA

Dunida maanta

Wararka: Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ka tegaya Muqdisho kadib…
Soomaaliya

Wararka: Safiirka Turkiga ee Soomaaliya oo ka tegaya Muqdisho kadib…

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cabdisalaan Cabdi Cali (Dhaay) ayaa maanta kulan sagootin ah la yeeshay Safiirka Turkiga u fadhiya Soomaaliya, Alper Aktaş.

Wararka Soomaaliya

Safiirka ayaa booqasho sagootin ah ku tagay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda kaddib markii uu soo gaba-gabeeyay muddadii uu Soomaaliya uga soo shaqeynayay diblomaasiyad ahaan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga qotada dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga, iyadoo labada dhinac ay ka wada-hadleen muhiimadda ay leedahay sii xoojinta xiriirka labada dal.

Wasiir Cabdisalaan Dhaay ayaa bogaadiyay dadaalkii iyo adeegii diblomaasiyadeed ee Safiir Alper Aktaş muddadii uu xilka ka hayay Soomaaliya.

Faahfaahinta

Waxa uu sidoo kale tilmaamay kaalintii uu safiirku ka qaatay horumarinta iyo xoojinta xiriirka dhow ee u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo dowladda Turkiga.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay sii amba-qaadista xiriirka walaaltinimo ee labada dal, kaas oo uu ku tilmaamay mid ku dhisan iskaashi iyo dano wadaag.

Cabdisalaan ayaa safiirka uga mahadceliyay shaqadii uu qabtay muddadii uu Soomaaliya joogay, isagoo u rajeeyay guul iyo horumar uu ka gaaro xilalka iyo mas’uuliyadaha uu mustaqbalka qaban doono.

Saamaynta

Kulankan ayaa kusoo aadaya xilli Soomaaliya iyo Turkiga ay leeyihiin xiriir dhow oo dhinacyo badan leh, iyadoo labada dal ay iska kaashadaan arrimo ay ka mid yihiin diblomaasiyadda, amniga, horumarinta iyo arrimaha bani’aadannimada.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah
Colaadaha

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah

Dagaalkii 2023-kii ka bilowday, ciidamada Iiraal ayaa burburiyeen nidaamka waxbarashada Garoowe,…

ReliefWeb Updates•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy