WARARKA

Dunida maanta

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday goob lagu diyaarinayo waxqabadka xukuumaddiisa.
Soomaaliya

Ra’iisul Wasaare Xamse oo booqday goob lagu diyaarinayo waxqabadka xukuumaddiisa.

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta…

Wararka Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kormeer shaqo ku tagay Xarunta Diyaarinta Warbixinta Wax-qabadka Xukuumadda DanQaran 2022–2026, taasi oo lagu dhex diyaarinayo Wasaaradda Qorshaynta, Maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in Xukuumadda DanQaran muddadii ay jirtay ku tallaabsatay guulo wax-ku-ool ah, kuwaas oo ay saldhig u yihiin Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo Hiigsiga Qarni-jirka ah ee 2060, oo ah aragti ka timid madaxda sare ee dalka.

Howl-wadeennada diyaarinaya warbixinta wax-qabadka Xukuumadda ayaa la-wadaagay Ra’iisul Wasaaraha, waxyaabihii ka hirgalay Lixda Tiir ee amniga, dhaqaalaha, arrimaha bulshada, Soomaali-heshiis ah, dunidana heshiis la’ah, iyo Garsoorka, iyada oo warbixinta ay muujisay koror weyn oo dhinac kasta ah.

Faahfaahinta

Mudane Xamsa, waxa uu sheegay in loo baahanyahay dadaal, midnimo iyo isku-duubni iyo wada-shaqayn, si bulshadu ugu tallaabsato horumar muuqda oo la taaban karo. Waxa uu xusay in aynu u soconnaa Soomaali mid ah, aysan argagixiso joogin, Soomaali barwaaqo ah oo Khayraadkeeda lasoo baxday, dalkeedana maalgashatay.

“Waxa aan doonaynaa in laga wada shaqeeyo horumarka Qaranka, hirgalinta hiigsiga dalkeenna iyo midnimada ummadda, waxa aan hubaa in meesha aan u soconno ay fogtahay oo aysan dhowayn, wali kow ma joogno waxa ina sugaya jid-dheer oo u baahan samir iyo adkaysi, waxa aynu u soconnaa Soomaali mid ah”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo carrabka ku adkeeyay in Warbixinta Wax-qabadka ayaa sheegay in warbixinta wax-qabadka ay qeyb ka tahay dhaqanka la-xisaabtanka Xukuumadda DanQaran iyo shacabka Soomaaliyeed, si bulshada loogu soo bandhigo wax-qabad istus oo i taabsii ah,

Saamaynta

Warbixinta waxaa qeyb ka ah diyaarinteeda dhammaan Wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, iyada oo warbixinta kama dambaysta ah loo gudbiyay Akadeemiyad Goboleedka Afka iyo Dhaqanka si loogu sameeyo tifaftir dhanka Qoraalka iyo Eray-bixinta afka Soomaaliga ah maadaamaa ay tahay dhaxa-reeb ah.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah
Colaadaha

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah

Dagaalkii 2023-kii ka bilowday, ciidamada Iiraal ayaa burburiyeen nidaamka waxbarashada Garoowe,…

ReliefWeb Updates•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy