WARARKA

Dunida maanta

Mucaaradka oo si adag uga horyimid doorashada Jaamac
Soomaaliya

Mucaaradka oo si adag uga horyimid doorashada Jaamac

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed ayaa si adag uga horyimid doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), iyagoo cambaareeyay wixii maanta ka dhacay xarunta baarlamaanka.

Wararka Soomaaliya

Golaha ayaa sheegay in muddo-xileedkii dastuuriga ahaa ee baarlamaanka Soomaaliya uu ku ekaa 14-kii April 2026, sidaas darteedna uusan laheyn wax sharciyad dastuur iyo mid siyaasadeed oo uu ku dooran karo hoggaamiye cusub.

“Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) wuxuu si adag u cambaaraynayaa, una diiddan yahay doorasho-ku-sheegga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Golahan oo ay ku mideysan yihiin qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka iyo madaxda Puntland iyo Jubaland ayaa sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh ku eedeeyay inuu doonayo in uu gacanta ku dhigo hannaanka doorashada, uuna hor istaago tartamayaasha awoodda leh, isla markaana uu natiijada horay u sii jaan-gooyo.

Faahfaahinta

Golaha ayaa mar kale adkeeyay in khilaafka doorashooyinka Soomaaliya aan lagu xallin karin tallaabooyin hal dhinac ah, ku-takrifal awoodeed iyo hannaan natiijadiisa horay loo sii go’aamiyey.

“Jidka keliya ee lagu soo celin karo sharcinimada dastuuriga ah iyo kalsoonida siyaasadeed waa heshiis loo dhan yahay oo saldhig u noqda doorasho heshiis lagu yahay, laguna kalsoonaan karo hannaankeeda iyo natiijadeeda,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Hoos ka aqriso war-saxaafadeedka

Saamaynta

Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed (GMS) wuxuu si adag u cambaaraynayaa, una diiddan yahay doorasho-ku-sheegga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee muddo-xileedkiisu dhammaaday.

Muddo-xileedkii dastuuriga ahaa ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu ku ekaa 14-kii Abriil 2026, sidaa darteed Baarlamaanku ma lahan sharciyad dastuur iyo mid siyaasadeed oo uu ku dooran karo guddoomiye cusub, mana yeelan karo awood muddo kordhin.

Haddii uu Madaxweyneha muddo-xileedkiisu dhammaaday ugu tafaralay doorasho-ku-sheeggaan wuxuu tusaale cad u yahay qorshaha uu doonayo in uu ku maareeyo doorashooyinka soo socda ee Baarlamaanka Federaalka iyo Madaxweyneha, taasoo uu doonayo in uu gacanta ku dhigo hannaanka doorashada, hor istaago tartamayaasha awoodda leh, natiijadana horay loo sii jaan-gooyo.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah
Colaadaha

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah

Dagaalkii 2023-kii ka bilowday, ciidamada Iiraal ayaa burburiyeen nidaamka waxbarashada Garoowe,…

ReliefWeb Updates•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy