WARARKA

Dunida maanta

Madaxweyne Deni oo ka hadlay dagaalkii Galkacyo farriina u diray ciimada harsan.
Soomaaliya

Madaxweyne Deni oo ka hadlay dagaalkii Galkacyo farriina u diray ciimada harsan.

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hawlgalkii ay ciidamada difaaca Dowladda Puntland ka fuliyeen…

Wararka Soomaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka hawlgalkii ay ciidamada difaaca Dowladda Puntland ka fuliyeen xero ciidan oo ku taallay agagarka garoonka diyaaradaha Magaalada Galkacyo, ciidamo horay u sheegay inay ku biireen kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed.

Madaxweynaha oo bogaadiyey dhammaan ciidmaadii iyo saraakiishii fuliyey hawlgalka ayaa sheegay in tallaabadaasi ay farriin cad u tahay cidkasta oo doonaysa inay awaamiir aan midda Dowladda ahayn ka fuliso guud ahaan deegaamada Puntland.

“Ciidanku waxay sameeyeen hawlgal qorshaysan oo looga hawlgalay xero ay DFS muddooyinkii dambe ku soo daabulaysay hub iyo saanad dagaal, tallaabaday ciidamadu qaadeen waa fariin ku socota cidkasta oo ka shaqeynaysa waxkasta oo lidi ku ah Dowladnimada Puntland”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni oo ka hadlayey dagaalkii ka dhacay duleedka Bari ee Magaalada Galkacyo.

Faahfaahinta

Dhanka kalena, Madaxweynaha Puntland ayaa ugu yeeray dhammaan ciidamada iyo saraakiisha horay ugu biiray Dowladda federalka ah ee Somalia inay ku soo biiraan kuwa Puntland kahor inta aysan dowladdu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadin, isagoo digniin u diray siyaasiyiinta mucaaradka ku ah xukuumadda.

“Waxaa ugu baaqayaa dadka kale ee ku lugta leh arrimahaasi inay u soo deg degaan awaamiirta dowladda inta aan tallaabo laga qaadan, saraakiisha dowladda ee deegaamadaas joogaa waa isyaqaanaan la xiriiraan oo dowladdooda qayb ka noqdaan, beentii iyo huuhaadii ay falkinayeen niman siyaasinta ah waxaan lee yahay ninkii damac kaleh dalkaan dadkiisa ha u yimaado, siyaasad ciidamaysan Puntland suurgal kama ahan”, Ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah
Colaadaha

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah

Dagaalkii 2023-kii ka bilowday, ciidamada Iiraal ayaa burburiyeen nidaamka waxbarashada Garoowe,…

ReliefWeb Updates•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy