WARARKA

Dunida maanta

Hantidhawrka Guud oo Soo Saaray Warbixinta Baarista Dowladda ee 2025
Soomaaliya

Hantidhawrka Guud oo Soo Saaray Warbixinta Baarista Dowladda ee 2025

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

Xafiiska Hantidhawraha Guud ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo si sanadle ah u soo saara warbixinnada baarista hay’adaha dowladda iyo shirkadaha ay leedahay ama qayb ku leedahay dowladda ayaa maanta soo saaray warbixintii baarista uu sameeyay sanadkii 2025.

Wararka Soomaaliya

Baarista uu xafiisku sameeyo ayaa kala ah baarista maaliyadeed, baarista u hoggaansanaanta sharciga, baarista waxqabadka, baarista nidaamyada macluumaadka teknoolojiyadda, dib-u-eegista deeqaha dowladda iyo baarista gaarka ah.

Xafiiska Hantidhawraha Guud wuxuu baaris ku sameeyay 30 mashruuc oo ay maalgeliyeen hay’ado caalami ah, kuwaas oo 22 ka mid ah ay maalgelisay Bangiga Adduunka, 7 ay maalgelisay Bangiga Horumarinta Afrika, halka hal mashruuc uu maalgeliyay Sanduuqa Caalamiga ah.

Baaristu waxay diiradda saartay maamulka maaliyadda, habraacyada iyo hannaanka iibka, u hoggaansanaanta sharciga, u hoggaansanaanta heshiisyada maalgelinta iyo fulinta mashaariicda.

Faahfaahinta

Natiijada baarista ayaa muujisay in loo baahan yahay in la xoojiyo habraacyada bixinta qandaraasyada.

Baarista warbixinta maaliyadeed ee sanadlaha ah waxay ku saabsanayd lacagaha ay qabatay dowladda, lacagaha ay kharash-gareysay, qulqulka lacagaha iyo is-barbardhigga miisaaniyadda iyo waxa la qabtay.

Natiijada baaristu waxay muujisay in miisaaniyaddii iyo xisaabaadka kale ay is waafaqeen, isla markaana aysan jirin wax cillad ah. Faallada Hantidhawraha ee warbixinta maaliyadeed waxay ahayd “Unqualified”.

Saamaynta

Dowladda Soomaaliya waxay heshiis dheef-wadaag ah kula jirtaa shirkadaha maamula garoonka iyo dekadda Muqdisho.

Shirkadda Favori oo dowladda ku leh saamiga 25% ayaa dowladda ka heshay lacag dhan $4,153,948, halka shirkadda Al-Bayrak oo dowladda ku leh saamiga 62.17% ay dowladda ka heshay lacag dhan $38,081,786.

Wadarta guud ee lacagta ay dowladda ka heshay labada heshiis waxay noqotay $42,235,734. Natiijada baaristu waxay muujisay in aan la helin warbixinta maaliyadeed ee shirkadda Al-Bayrak, sidaas darteedna aan la xaqiijin karin saxnaanta dakhliga la sheegay.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah
Colaadaha

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah

Dagaalkii 2023-kii ka bilowday, ciidamada Iiraal ayaa burburiyeen nidaamka waxbarashada Garoowe,…

ReliefWeb Updates•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy