WARARKA

Dunida maanta

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo guda galay shaqadooda
Soomaaliya

Guddiga Doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo guda galay shaqadooda

Wararka — kaydka WordPress
1 daqiiqo akhris

Guddiga doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa guda galay shaqadooda, kaddib markii dhawaan la magacaabay.

Wararka Soomaaliya

Guddiga ayaa kulan ugu horreeyay la yeeshay Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ahna Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Marwo Sacdiya Yaasiin Xaaji Samatar.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qeyb galay Hab-dhowraha Golaha Shacabka, Xildhibaan Maxamed Cabdullaahi Xasan (Nuux), iyo Xoghayaha Guud ee Golaha Shacabka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdulle (Jaabiri).

Xubnaha guddiga ayaa intii uu kulanku socday si gacan-taag ah u doortay hoggaanka guddiga, waxaana Guddoomiyaha Guddiga Doorashada loo doortay Xildhibaan Cabdirisaaq Cumar Maxamed.

Faahfaahinta

Guddoomiyaha KMG ah ee Golaha Shacabka ayaa guddiga ugu baaqday inay si cadaalad, hufnaan iyo masuuliyad leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, ayna si habsami leh u diyaariyaan doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Guddigan ayaa hadda bilaabay howlaha la xiriira diyaarinta iyo qabanqaabada doorashada Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah
Colaadaha

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah

Dagaalkii 2023-kii ka bilowday, ciidamada Iiraal ayaa burburiyeen nidaamka waxbarashada Garoowe,…

ReliefWeb Updates•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy