WARARKA

Dunida maanta

DF oo shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah + Ardayda gashay kaalmaha hore
Soomaaliya

DF oo shaacisay natiijada Imtixaanka shahaadiga ah + Ardayda gashay kaalmaha hore

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya ayaa maanta oo Sabti ah shaacisay natiijada imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad ee sanad-dugsiyeedka 2025 2026-ka iyo ardeyda ka galay kaalmaha hore.

Wararka Soomaaliya

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu seegay in 40,037 arday ay ku guuleysteen imtixaanka, halka 2,879 arday ay ku harreen.

Sidoo kale, Wasaaradda ayaa sheegtay imtixaanka shahaadiga ee qaranka ee sanadkan uu ka qabsoomay guud ahaan gobollada dalka, iyadoo Wasaaraddu sheegtay in imtixaanku u dhacay si habsami leh oo hufnaan leh.

Maxamed Ciise Daahir Yuusuf ayaa galay kaalinta 1-aad, wuxuuna dhigtaa dugsiga Howl-wadaag ee Gobolka Banaadir, isagogo keenay 94.14, halka ay kaalinta 2-aad kusoo baxday Farxiya Faarax Cumar Cigaal oo iyana ku sugan Jubbaland, taas oo keentay 93.71.

Faahfaahinta

Sidoo kale, waxaa kaalinta 3-aad galay Aamina Khaalid Cabdalla oo dhigata iskuulka Imaamu Shaafici ee magaalada Muqdisho, waxayna heshay 92.57, sida ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

Dhanaca kale Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay saddexda arday ee kaalmaha ugu sarreeya ka galay imtixaanka qaranka ee dugsiyada sare.

Xamza ayaa khadka taleefoonka kula xiriiray ardayda kaalmaha hore galay, isagoo ku bogaadiyay dadaalkii, juhdigii iyo hagar-la’aantii ay muujiyeen intii ay ku guda jireen waxbarashadooda.

Saamaynta

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa ku wargeliyay ardayda kaalmaha hore galay iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay damaanad qaadday dhammaan kharashaadka waxbarasho ee ardaydaasi ay jaamacadaha ku geli doonaan.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah
Colaadaha

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah

Dagaalkii 2023-kii ka bilowday, ciidamada Iiraal ayaa burburiyeen nidaamka waxbarashada Garoowe,…

ReliefWeb Updates•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy