WARARKA

Dunida maanta

DF oo shaacisay inay warshado waa weyn ka hirgelinayso magaalada…
Soomaaliya

DF oo shaacisay inay warshado waa weyn ka hirgelinayso magaalada…

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay qorshe ay ku doonayso inay warshado waaweyn uga hirgeliso degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha Dhexe, kuwaas oo la sheegay inay door muhiim ah ka qaadan doonaan kor u qaadista wax-soo-saarka dalka iyo horumarinta dhaqaalaha.

Wararka Soomaaliya

Qorshahan ayaa lagu dhawaaqay intii uu wafdi uu hoggaaminayay Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye booqasho ku tagay degmada Balcad, halkaas oo ay ku qaabileen maamulka degmada iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Wasiir Maareeye ayaa sheegay in Balcad loo qorsheeyay in laga hirgeliyo warshado waaweyn, isagoo xusay in dowladda ay mudnaan gaar ah siinayso kordhinta wax-soo-saarka gudaha iyo dhiirrigelinta maalgashiga dalka.

“Degmada Balcad waxa aan ka hirgelin doonnaa warshado waaweyn, maadaama dalku galay marxalad isku-filnaansho ah. Soomaaliya waxay ka gudbaysaa xilligii ay ku tiirsanayd kaalmo dibadeed,” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Faahfaahinta

Wuxuu intaas ku daray in dowladda ay waddo qorshe ballaaran oo lagu horumarinayo beeraha, warshadaha iyo kaabayaasha dhaqaalaha, si loo abuuro shaqooyin cusub loona xoojiyo wax-soo-saarka gudaha.

Dowladda Federaalka ayaa muddooyinkii dambe xoogga saareysay sidii looga faa’iideysan lahaa kheyraadka iyo ilaha wax-soo-saarka dalka, iyadoo ujeeddadu tahay in la yareeyo ku tiirsanaanta gargaarka dibadda, lana dhiirrigeliyo maalgashiga gudaha iyo kan caalamiga ah.

Qorshahan lagu dhisayo warshadaha Balcad ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyadda dowladda ee lagu kobcinayo dhaqaalaha dalka, iyadoo la filayo in mashaariicdaasi ay door muuqda ka qaataan horumarinta wax-soo-saarka, abuurista fursado shaqo iyo sare u qaadista isku-filnaanshaha dhaqaalaha Soomaaliya.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah
Colaadaha

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah

Dagaalkii 2023-kii ka bilowday, ciidamada Iiraal ayaa burburiyeen nidaamka waxbarashada Garoowe,…

ReliefWeb Updates•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy