WARARKA

Dunida maanta

Dagaal u dhexeeya ciidamada DF iyo kuwa Puntland oo ka socda Gaalkacyo
Soomaaliya

Dagaal u dhexeeya ciidamada DF iyo kuwa Puntland oo ka socda Gaalkacyo

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka aroortii hore uu dagaal culus ka qarxay dhanka waqooyi bari ee magaalada Gaalkacyo, kaas oo u dhexeeyo ciidamada Puntland iyo kuwa PSF-ta ee taabacsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wararka Soomaaliya

Dagaalka ayaa yimid, kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Puntland ay weerareen fariisimo ay ciidamada PSF-ta ku leeyihiin bariga Gaalkacyo, waxaana kadib sidaas ku qarxay dagaal toos ah.

Labada dhinac ayaa isku adeegsanaya hub culus oo ay kamid yihiin hoobiyeyaal lasoo wariyay in qaarkood ay ku dhaceen xaafado ay dagan yihiin shacab waxaana jira khasaare kala duwan, inkastoo aan la xaqiijin karin tirada rasmiga ah.

Sidoo kale, dadka deegaanka ayaa dhankooda bilaabay inay ka barakacaan waxyeello kasoo gaarta dagaalka, maadaama ay xaaladda faraha ka baxday, isla markaana dagaalka uu ku fidayo goobo horleh oo ka tirsan magaaladaasi.

Faahfaahinta

Wararka ayaa intaa kusii daraya in dagaalka uu sii xoogeysanayo, isla markaana dhinacyadu ay helaan gurmadyo, taas oo uga sii dareysa xiisadda.

Dagaalkan wuxuu daba socdaa hub la sheegay in Talaadadii ay dowladda Soomaaliya ka dajisay koonfurta Gaalkacyo, kaas oo ay Puntland sheegtay in loogu talagalay in loo gudbiyo deegaannadeeda, si loogu abuuro xasillooni darro.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa kacsaneyd xaaladda deegaannada Puntland, kadib markii ay ka bilowdeen dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah
Colaadaha

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah

Dagaalkii 2023-kii ka bilowday, ciidamada Iiraal ayaa burburiyeen nidaamka waxbarashada Garoowe,…

ReliefWeb Updates•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy