WARARKA

Dunida maanta

Ciidanka Itoobiya oo ka baxay saldhiggoodii magaalada…
Soomaaliya

Ciidanka Itoobiya oo ka baxay saldhiggoodii magaalada…

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

Ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika ee AUSSOM ee Soomaaliya ayaa 8-dii bishan si rasmi ah u wareejiyay taliskoodii magaalada Buurhakaba ee Gobolka Baay, iyaga oo amniga magaaladaas ku wareejiyey Ciidanka Xoogga Soomaaliyeed.

Wararka Soomaaliya

Munaasabad ka dhacday saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Buurhakaba ayaa waxaa maamulka iyo mas’uuliyadda amniga si rasmi ah ugula wareegay Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo sii wadi doona sugidda amniga magaalada Buurhakaba oo ah deegaan muhiim u ah Gobolka Baay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Ciidanka AUSSOM ayaa lagu sheegay in tallaabadan ay qayb ka tahay qorshaha ay amniga dalka ugu wareejinayaan ciidamada Soomaaliya, kaas oo muddooyinkii ugu dambeeyay soo socday.

“Tallaabadani waxay astaan u tahay dardargelinta wareejinta mas’uuliyadaha amniga ee sida tartiib-tartiibta ah loogu wareejinayo Ciidamada Amniga ee Soomaaliya,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka kasoo baxay taliska AUSSOM.

Faahfaahinta

Sidoo kale, qoraalka ayaa lagu sheegay in wareejintan ay astaan u tahay tallaabo kale oo muhiim ah oo lagu xoojinayo arrimaha amniga ee ay Soomaalidu hoggaanka u hayso iyo dardargelinta wareejinta mas’uuliyadaha amniga dalka.

Saldhigga Buurhakaba ee ay haatan la wareegtay Dowladda Soomaaliya ayaa tan iyo 2014-kii waxaa ka howlgalayay Ciidanka Itoobiya, halkaas oo ay ka fulin jireen howlgallo ka dhan ah maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab.

Tallaabadan ayaa sidoo kale loo sababeynayaa dhaqaale xumada soo wajahaday howlgalka oo hadda wajahaya mid kamid ah caqabadihii ugu adkaa ee abid soo mara.

Saamaynta

Si kastaba, Buurhakaba oo ah magaalo istaraatiiji ah ayaa waxaa hadda ku sugan ciidamada Milatariga Soomaaliya, Daraawiishta Koonfur Galbeed iyo maleeshiyaad deegaanka ah oo maalmahan howgallo ka waday magaaladaasi.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah
Colaadaha

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah

Dagaalkii 2023-kii ka bilowday, ciidamada Iiraal ayaa burburiyeen nidaamka waxbarashada Garoowe,…

ReliefWeb Updates•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy