WARARKA

Dunida maanta

Ciidamada Puntland oo dagaal kula wareegay xerada PSF ee Gaalkacyo
Soomaaliya

Ciidamada Puntland oo dagaal kula wareegay xerada PSF ee Gaalkacyo

Wararka — kaydka WordPress
2 daqiiqo akhris

Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dagaal culus oo saaka ka dhacay duleedka waqooyi bari ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kaas oo u dhexeeyay ciidamada PSF-ta ee taabsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Puntland.

Wararka Soomaaliya

Dagaalka oo aroortii hore qarxay ayaa lagu oo warramayaa inuu qaatay saacado badan, iyada oo labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo ay kamid yihiin hoobiyeyaal ku dhacay xaafado ay dagan yihiin dad shacab ah.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Daraawiishta Puntland oo dagaalka qaaday ay gudaha u galeen xerada ay daganaayeen ciidamada PFS, kadib markii halkaasi laga saaray ciidamadii ku sugnaa.

Muuqaalo lagu baahiyay baraha bulshada ayay Puntland kusoo bandhigtay gaadiid dagaal iyo hub oo xerada yaalla, isla markaana la sheegay inay lahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee PFS ee taabasan dowladda dhexe.

Faahfaahinta

Sidoo kale, warbaahinta deegaannada Puntland ayaa tebisay in qaar kamid ah ciidamada PFS-ta ee dagaaka ku jiray ay is dhiibeen, waxaana weli xaaladdu ay tahay mid kacsan, iyada dhaq-dhaqaaqyo laga dareemayaa Gaalkacyo.

Si kastaba, Dagaalkan wuxuu daba socdaa hub la sheegay in Talaadadii ay dowladda Soomaaliya ka dajisay koonfurta Gaalkacyo, kaas oo ay Puntland sheegtay in loogu talagalay in loo gudbiyo deegaannadeeda, si loogu abuuro xasillooni darro.

Muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa kacsaneyd xaaladda deegaannada Puntland, kadib markii ay ka bilowdeen dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo oo u dhexeeyo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Wararka.so waxay kuu soo tebineysaa wararka ugu dambeeyey ee Soomaaliya iyo caalamka. Si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyey, booqo boggayaga.

Wararka La Xiriira

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah
Colaadaha

Xaquuqda Waxbarashada Caruurta Falastiiniyiinta: Israel Ku Dhaqaaqay Dhaq-dhaqaaqyo Dhaawac ah

Dagaalkii 2023-kii ka bilowday, ciidamada Iiraal ayaa burburiyeen nidaamka waxbarashada Garoowe,…

ReliefWeb Updates•Sep 28, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy