WARARKA

Dunida maanta

Baarlamaanka Soomaaliya oo laalay qaraarkii Ra’iisul Wasaare Xamza ee ku saabsan agaasime-waaxeedyada
Soomaaliya

Baarlamaanka Soomaaliya oo laalay qaraarkii Ra’iisul Wasaare Xamza ee ku saabsan agaasime-waaxeedyada

2 daqiiqo akhris

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta Villa Hargeysa kaga dooday wareegtadii Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ee ku saabsan hannaanka shaqaalaysiinta agaasime-waaxeedyada, kadibna waxay meesha ka saareen qaraarkaasi iyadoo 136 xildhibaan ay ogolaatay in laalo.

Ra’iisul Wasaare Xamza oo faro galinaya hannaanka cusub

Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa maalmo kahor faray dhammaan golihiisa wasiirrada iyo mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda loo hirgeliyo hannaanka cusub ee shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta.

Ra’iisul wasaaraha ayaa si gaar ah u faray guddiga shaqaalaha rayidka in 20-Sebteembar la bilaabo wajiga 1-aad ee dib-u-habaynta lagu sameynayo agaasime waaxeedyada, maadaama ay laf-dhabar u yihiin maamulka hey’adaha dowladda.

Codeynta Golaha Shacabka oo muujisay in laalo qaraarka

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa maanta ka dooday wareegtada uu soo saaray Ra’iisul wasaaraha dalka, iyaga oo meesha ka saaray kadib codeyn gacantaag ah oo golaha laga dhex sameeyey.

136 Xildhibaan ayaa ogolaatay in laalo qaraarka Ra’iisul wasaaraha, waxaa diiday 2 xildhibaan, halka ay ka aamuseen 2 kale, sida uu ku dhawaaqay guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka, Cabdullahi Abshiroow.

Xafiiska Xamza oo sheegay in hannaanku yahay mid lagama maarmaan ah

Qoraalka kasoo baxay xafiiska Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha uu faray dhammaan Wasiirrada iyo Mas’uuliyiinta kale ee dowladda in si buuxda oo aan dib-u-dhac lahayn loo hirgeliyo hannaanka shaqaalaysiinta iyo magacaabista ku salaysan kartida iyo mudnaanta.

Ujeedada laga leeyahay nidaamkan ayuu xafiiska Ra’iisul wasaaraha ku sheegay in dowladda federaalka ay yeelato hoggaan maamul oo xirfad leh, joogto ah, awoodda in uu hirgaliyo siyaasadda dowladda, una beddelo natiijooyin muuqda oo ay markhaati ka noqdaan shacabka Soomaaliyeed.

Ilaha iyo xuquuqda sawirka

www.caasimada.net

Sawir: Caasimada Xigasho

Wararka La Xiriira

Jirka Warbaahiyahii Soomaaliyeed ee Boqorka Bartamaha, Mohamed Aweys Muudey, Wuxuu Gaaray Magaalada Muqdisho
Soomaaliya

Jirka Warbaahiyahii Soomaaliyeed ee Boqorka Bartamaha, Mohamed Aweys Muudey, Wuxuu Gaaray Magaalada Muqdisho

Jirka warbaahiyahii Soomaaliyeed ee waaweyn ee Boqorka Bartamaha, Mohamed Aweys Muudey, oo la dilay…

SONNA English•Sep 26, 2026

Qor erayga aad rabto inaad raadiso

La soco Wararka

10 daqiiqo kadib, marka aanad akhrinayn ama qorin. Meesha aad joogtay waa la xafidayaa.

Dooro digniinaha wararka

Wararka cusub oo keliya. Ugu badnaan 3 digniin 24 saac gudahood; waad joojin kartaa mar kasta.

Asturnaanta / Privacy