
Xafiiska hantidhawrka guud ee qaranka, mudane Axmed Ciise Guutaale, ayaa soo saaray bayaan culus oo u digay guddiga shaqaalaha rayidka kadib markii xafiiska Ra’iisul wasaaraha uu soo saaray amar ku saabsan dib-u-habeynta shaqaalaha dowladda.
Xafiiska hantidhawrka oo sheegay inuu yahay hay’ad dastuuri ah
Xafiiska hantidhawrka guud ee qaranka waa hay’ad dastuuri ah oo leh madax-bannaani maamul iyo mid maaliyadeed, laguna dhisay qodobka 177-aad ee Dastuurka JFS. Awoodaha iyo waajibaadka hantidhawrka ayaa lagu faah-faahiyey sharciga maareynta maaliyadda guud, sharci Lr. 17 ee 2019 iyo sharciga hantidhawrka guud, sharci Lr. 14 ee 2023.
Guutaale ayaa shaaca ka qaaday in xafiiska hantidhawrka uu yahay hay’adda ugu sarreysa ee u xil-saaran hantidhawrka, diiwaangelinta iyo ilaalinta hantida guud iyo macaamilada maaliyadeed ee dowladda, isla markaana fulisa kormeer iyo daba-gal ku saabsan maaraynta khayraadka guud.
Amar Ra’iisul wasaaraha oo ku saabsan dib-u-habeynta shaqaalaha
Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre wuxuu soo saaray amar saameynaya dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda, kaas oo ku saabsan in dib u habeyn lagu sameeyo shaqaalaha rayidka iyada oo ujeedka uu yahay in tartan furan loo galo shaqooyinka dowladda.
Amaran ayaa ku saabsan in dib u habeyn lagu sameeyo shaqaalaha rayidka iyo saraakiisha sar sare ee dowladda, iyadoo xafiisyada hantidhawrka iyo xeer-ilaaliyaha guud ee qaranka ay ku jiraan hay’adaha dowladda ee lagu xusay amarada.
Hantidhawrka oo u digay guddiga shaqaalaha rayidka
Hantidhawrka wuxuu si gaar ah u faray guddiga shaqaalaha rayidka in aysan qaadin ama dhaqan-gelin tallaabo wax u dhimaysa, xaddidaysa ama ka hor imaanaysa madaxbannaanida, awoodaha iyo nidaamka sharciyeed ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ee JFS.
Waxaa kale oo lagu yiri warqadda in guddigu uu si buuxda u dhowro madax-bannaanida dastuuriga ah ee Xafiiska Hantidhawrka Guud ee JFS, isla markaana tallaabo kasta, go’aan kasta ama habraac kasta oo khuseeya Xafiiska lagu saleeyo Dastuurka JFS iyo shuruucda kale ee lagu dhisay laguna nidaamiyo Xafiiska.
Somalia's General Asset Management Office has issued a stern warning to the National Civil Servants Commission, asserting its constitutional independence after the latter moved to restructure civil service roles following a directive from Prime Minister Xamza Cabdi Barre.
Constitutional Independence Asserted
The General Asset Management Office, led by Mr. Axmed Ciise Guutaale, released a formal statement declaring its status as a constitutional body established under Article 177 of the Federal Charter of the Federal Republic of Somalia. The office holds administrative and financial autonomy, with its powers and duties detailed in the General Financial Management Act (Lr. 17 of 2019) and the General Asset Management Act (Lr. 14 of 2023).
According to the office, it is the highest authority responsible for asset management, registration, and protection of state property, as well as financial transactions. It also conducts oversight and inspections related to the management of national resources and ensures compliance with financial administration and budgetary laws.
Direct Warning to the Commission
The statement explicitly directed the National Civil Servants Commission to fully respect the constitutional independence of the Asset Management Office. It warned the commission not to take, implement, or adopt any action that diminishes, restricts, or preempts the office's autonomy, powers, or legal framework.
The commission is currently engaged in restructuring civil service positions and senior officials across the government, following a directive from Prime Minister Xamza Cabdi Barre aimed at introducing open competition for government jobs. The office insists that all decisions affecting it must be grounded in the Federal Charter and relevant legislation.
Legal Framework and Oversight Mandate
The office emphasized that its mandate encompasses ensuring the implementation of financial administration and budgetary laws. It serves as the primary body for safeguarding state assets and managing government financial operations, operating under a clear legal framework that protects its institutional integrity.
By invoking constitutional provisions and specific legislation, the Asset Management Office has positioned itself as a guardian of institutional independence. Its warning underscores the broader tension between executive restructuring efforts and the legal protections afforded to key state institutions.
Ilaha iyo xuquuqda sawirka
Sawir: Caasimada Xigasho



