
Ganacsiga Bariga Afrika oo Qeybta Labaad ee 2026-kii Gaaray $52.3 Bilyan, Koror 37%
Warbixinta saddex-biloodlaha ah ee Bulshada Bariga Afrika (EAC) ee bilihii Abriil ilaa Juun 2026 waxay muujisay in ganacsiga gobolka uu gaaray $52.3 bilyan, koror dhan 37% marka loo eego $38.2 bilyan ee qeybtaas 2025-kii. Dhoofinta ayaa korortay 41.3% ilaa $26.3 bilyan, halka badeecadaha dibadda laga soo dejiyay ay gaartay $26 bilyan, iyadoo gobolku uu helay faa'iido ganacsi oo dhan $300 milyan.
Kororka Dhoofinta iyo Macdanta
Dhoofinta dalalka EAC waxay korortay 41.3%, iyadoo gaartay $26.3 bilyan, halka badeecadaha dibadda laga soo dejiyay ay kordheen 32.9%, oo gaartay $26 bilyan. Arrintaasi waxay gobolka siisay faa'iido ganacsi oo dhan $300 milyan, halka sanad ka hor uu jiray hoos-u-dhac ganacsi oo gaarayay $945.3 milyan.
Macdanta ayaa qayb weyn ka qaadatay kororka dhoofinta. Copper-ka iyo biraha qaaliga ah ayaa kaligood ka dhigay 61.9% dhammaan dhoofinta EAC, marka loo eego 58.7% sanadkii hore. Kororka macdanta ayaa si weyn u taageeray faa'iidda ganacsi ee gobolka.
Suuqyada Dibadda iyo Shiinaha
Dhoofinta EAC ee dalalka Afrika ayaa korortay 44.3%, waxayna gaartay $7.2 bilyan, oo u dhiganta 27.5% dhammaan dhoofinta gobolka. Dhoofinta loo iib geeyo dalalka ku jira SADC ayaa korortay 50.8%, iyadoo gaartay $5.1 bilyan, halka dhoofinta loo diray dalalka COMESA ay korortay 48.3%, oo gaartay $3.1 bilyan.
Shiinaha ayaa noqday suuqa ugu weyn ee dhoofinta EAC, iyadoo dhoofinta loo diray dalkaasi ay ku dhowaad laba jibbaartay, kana kacday $5.7 bilyan rubucii labaad ee 2025 ilaa $10.7 bilyan isla muddadii 2026, sidoo kale Kororka waxaa si weyn u waday macdanta iyo alaabaha ceeriin.
Ganacsiga Gudaha iyo Xubnaha EAC
Ganacsiga u dhexeeya dalalka xubnaha ka ah EAC isaguna wuu kordhay, ayadoo dhoofinta gudaha bulshada ay korortay 33.2%, waxayna gaartay $3.2 bilyan. Si kastaba, saamiga ganacsiga gudaha EAC ee dhammaan dhoofinta gobolka ayaa wax yar hoos ugu dhacay 12.1%, marka loo eego 12.8% sanadkii 2025.
EAC waxay sheegtay in sababtu tahay in dhoofinta loo diro suuqyada ka baxsan bulshada ay ka dhaqso badan tahay kobaca ganacsiga gudaha. Soomaaliya waxay ka mid tahay siddeedda dal ee hadda xubnaha ka ah EAC, waxaana ururka ku jira Soomaaliya, Burundi, DRC, Kenya, Rwanda, Koonfurta Suudaan, Uganda iyo Tanzania.
East African Community trade reached $52.3 billion in the second quarter of 2026, marking a 37% increase from $38.2 billion a year earlier, driven by strong export growth and a shift toward external markets.
Exports Outpace Imports, Turning Deficit into Surplus
EAC exports grew by 41.3% to $26.3 billion, while imports rose 32.9% to $26 billion, generating a trade surplus of $300 million compared to a $945.3 million deficit in Q2 2025.
The shift from deficit to surplus reflects broader economic momentum across the eight-member bloc, which includes Somalia, Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, South Sudan, and the Democratic Republic of Congo.
Copper and Heavy Metals Lead Export Growth
Copper and heavy metals accounted for 61.9% of all EAC exports in Q2 2026, up from 58.7% in 2025, underscoring the region's growing role in global mineral supply chains.
China emerged as the largest export destination, with shipments nearly doubling from $5.7 billion to $10.7 billion, while exports to SADC and COMESA countries grew by 50.8% and 48.3% respectively.
External Markets Grow Faster Than Intra-EAC Trade
Exports to African countries outside the EAC surged 44.3% to $7.2 billion, representing 27.5% of total exports, while intra-EAC trade grew 33.2% to $3.2 billion but fell to 12.1% of total exports.
EAC officials noted that external market demand is outpacing internal trade growth, signaling a strategic pivot toward diversifying export destinations beyond the bloc.
Ilaha iyo xuquuqda sawirka
Sawir: Goobjoog Xigasho



